Posted on: Tuesday 27 July 2010 Sahan Media
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Maanta Khudbada Xasaasi ah ka jeediyey gaba Gabada shir madaxeedka Midowga Afrika oo Maanta lagu Soo gaba gabeyey Magaalada kampala ee dalka Uganda
Madaxweyne Shikh Shariif oo Khudbadiisa Ku baxeysay luqada Carabiga ayaa waxa uu Kaga hadlay arimo Dhowr ah oo Ugu muhiimsanaa
1) Xaaladaha cakiran ee dalka Soomaaliya
2) In dalka soomaaliy ay halis Ugu Jirto in ay la wareegaan Argagaxiso Caalami ah
3) Mahad ballaaran uu U soo Jeediyey Madaxda dalalka Uganda iyo Brundi
4) Dhibaatada ay Ku Jiraan Hooyada Iyo Dhalaanka Afrika
5) Iyo Baaq uu U diray Beesha caalamka si ay wax uga qabtaan xaaladaha dalka Soomaaliya
Khudbada Madaxwrynaha yaa u muuqanaysay Mid ay Si Diiran U Dhageysanayeen Dhammaan Madaxda midowga Afrika
Sahan Media Network
Mogadishu Samalia
(Radiosahan@hotmail.com)