Posted on: Wednesday 27 July 2010 Sahan Media
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islam Macallin Xaashi Maxamed Faarax ayaa Sheegay In uu si aad ah Ugu Farax San Yahay Afarta Kun Ciidan oo ay madaxda Afrika Go\'aamiyeen In Loo soo Diro dalka Soomaaliya
Macallin Xaashi ayaa Ku Nuux Nuuxsaday in ay ku Soo Dhaweyn Doonaan Guuxa Madaafiicda Cul Culus Qaraxyo Xoogan oo Isugu Jira Ismiidaamin Iyo Nuucyo kale oo qaraxyo ah
Sidoo kale Macallin Xaashi ayaa sheegay In Mar walboo ay soo kordhaan Dhi,mashadooduna ay badan Doonto
\" Kulamaa la soo Kordhiyo Waxaa Sii Badanayo Dhimashadooda, Rasaasteena haddii ay ku Dhici Jirtay Hal askari oo Amison ah Marka ay soo bataan waxa ay ku Dhaceysaa 5 Askari\"
Hadalka Macallin xaashi ayaa Imaanaya Xili Maalinkii Shalay la go\'aamiyey In afar Kun oo Ciidan oo Dheeraad ah lagu soo Kordhiya ciidamada Amison
Sahan Media Network
Mogadishu Samalia
(Radiosahan@hotmail.com)