Siyaasadda SAHAN-Media
Hadafka Idaacadda SAHAN iyo cida aas-aastay:
Idaacadda SAHAN waa idaacad madaxbanaan oo cusub, xarunteeduna tahay magaalada Muqdisho
 Wareysiyada Cusub

DAGAAL XOOGAN OO U DHAXEYA AL SHABAAB IYO CIIDAMO TAABACSAN AXMED MADOOBE OO KA DHACAY WAQOOYIGA DEGMADA DHOOBLEY


Posted on: Wednesday 28 July 2010 Sahan Media

Wararka naga Soo gaaraya magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay In dagaal Xoogan uu Qaqooyiga magaalada Dhoobley Ku Dhex Maray Xoogaga Al Shabaab Iyo Ciidamada taabacsan Shiikh Axmed Islam Axmed Madoobe

Dagaalka ayaa waxa uu Imaaday ka Dib Markii Ciidamada taabacsan Axmed Madoobe ay weerar Ku soo qaadeen xerooyin Ciidan oo ay Ku Sugaanyeen Xoogaga al shabaab Kuna yaalay Waqooyiga Magaalada Dhoobley

Sidoo kale Dagaalka ayaa Waxa Uu sheegay Khasaaro soo gaaray labada dhinac oo ah Dhimasho Iyo dhaawac Xoogan

Ciidamadii taabacsana Axmed Islam ayaa Muddo Kooban La wareegay Gacan Ku haynta Xerooyinkii ay Soo weerareen Wallow markii Dambe ay Isag baxeen

Dhanka kale Shacabka Dhoobley ayaa cabsi soo Foodsaartay Iyagoo Ka baqdin qabo Dagaalo kale oo halkaasi ka dhaca

Sahan Media Network

Mogadishu Samalia

(Radiosahan@hotmail.com)



FREE Domain
warka subaxii " /> warka subaxii " /> warka subaxii "/> warka subaxii "/>