Posted on: Wednesday 28 July 2010 Sahan Media
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Eng; C/raxmaan Cumar Cismaan \"Yariisow\" oo Ku sugan Maagalada London ee Dalka Britain ayaa Sheegay In uu Kulamo xasaasi ah La qaadan Doono Madaxda dalkaasi
Kulanka ayaa Inta badan looga Hadli Doonaa Xaaladaha War Baahinta Gudaha gaar ahan Dhibaatooyinka haya Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Sidoo Kale waxa ay Ka Wada hadli Doonaan Sidii sare Loogu Qaadi Lahaa Radio Muqdisho oo ah Idaacada Dowladda Isla Markaan Hawada Loo soo galin lahaa TV-ga Qaran
Wasiirka oo War Baahinta Muqdisho La hadlayey Isagoo Ku Sugan London aya Waxa uu sheegay In uu Ka war Bixin Doono Xaalada Dalka Soomaaliya Uu haatan Maraya
Sahan Media Network
Mogadishu Samalia
(Radiosahan@hotmail.com)