Posted on: Saturday 31 July 2010 Sahan Media
Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ee Gacanta Ku Haya Degmada Yeed ee Gobolka Bakool ayaa Saakay Howl Galo Lagu Sugayo Ammaanka ka Bilaabay Gudaha Degmadaasi Ka Dib Markii ay Dhawaan Dib Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Degmadaasi
Waddooyinka Iyo Xaafadaha Degmadaasi ayaa Waxa lagu Arkayaa Ciidamado aad U fara Badan oo Baaritaano Ku Haya Gaadidka Iyo Dadka
Baaritaanadaasi ayaa waxa ay ka dambeeyeen ka Dib Markii ay Ciidamada Dowladda Ka War Heleen In Xoogaga Al Shabaab ay Dhaq Dhaqaaq Ka Wadaan Duleedka Degmada Yeed
Dhanka Kale Shacabka Ku Dhaqan Degmada Yeed Iyo Duleedkeda ayaa Waxa ay ka Cabsi Qabaan Dagaal Mar kale Ka Qarxa Halkaasi Kaasoo waxyeeladeeda Intee Badan ay Soo Garai Karta Shacabka
Sahan Media Network
Mogadishu Somalia
( Radiosahan@hotmail.com )