Siyaasadda SAHAN-Media
Hadafka Idaacadda SAHAN iyo cida aas-aastay:
Idaacadda SAHAN waa idaacad madaxbanaan oo cusub, xarunteeduna tahay magaalada Muqdisho
 Wareysiyada Cusub

M/WEYNE SHIIKH SHARIIF IYO WAFDIGIISII OO KU SOO LAABTAY MAGAALADA MUQDISHO


Posted on: Saturday 31 July 2010 Sahan Media

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay ku soo laabteen Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta ka soo dagay gagida diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeyb galay shirkii madaxda Midowga Afrika ee ka dhacay Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda

M/weynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta Villa Somalia, wuxuu si kulul u cambaareeyay xoogaga dagaalka kula jira dowladda inay dhibaatooyin ku hayaa shacabka Somaaliyeed iyo caalamka, sida uu yiri

Waxaa uu madaxweynuhu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Islaam sheeganaya oo wadamo badan oo kuyaala Caalmak dambiyo kala duwan ka soo galay ay qas iyo barakicin u geystaan umada Soomaaliyeed

Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxa uu sheegay in dul qaadkii uu ka dhamaaday dowladda islamarkaana ay u soo jeesatay wax ka qabashada dalka Soomaaliya, isagoo xusay in wax ka qabashada dalka Soomaaliya ay iska kaashan doonaan golaha Barlamanka

Sahan Media Network

Mogadishu Samalia

(Radiosahan@hotmail.com)



FREE Domain
warka subaxii " /> warka subaxii " /> warka subaxii "/> warka subaxii "/>