Posted on: Sunday 1 Aug 2010 Sahan Media
Waxaa Maanta Dib U dhac Uu Ku Yimid Kulan Lagu Waday In Xukuumada Dhawaan La Isku Shaan Dheeyey ee Sharma\'arke ay Ku Soo Hor Fariisan lahayd Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ka Dib Markii Maalintii Shalay ay Xukuumada Shaacisay In Maanta ay Diyaar U Tahay In Baarlamaanka ay Kalsooni Weydiisato
Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo ah Nidaamiye u Xigeenka Barlamaanka aya War Baahinta U Xaqiijiyey In uu Baaqday Kulankii ay Ku Madlan Sanaayeen Baarlamaanka Iyo Golaha Wasiida Xukuumada Soomaaliya
Xildhibaan Caadil ayaa Sidoo Kale Cadeeyey Sababaha Uu U baaqday Kulanka Waxa uuna Hoosta Ka Xariiqay In aysan Ahayn Khilaaf Balse Qaar ka Mid ah Xildhibaanada ay Soo Gudbiyeen In ay Maanta Kulamo Gaar Gaar Lee Yihiin Isla Markaana Laga Cabsaday in aysan Suura Gal Noqon Karin In uu Buuxsamo Koorambii Loogu Talagalay
kulankaan Maanta Baaqdaya ayaa Imaanaya Xili Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada ay wadaan Mooshin Ka Dhan ah Xukuumada uu Majaraha U Haya Cumar C/rashid Sharma\'arke
Sahan Media Network
Mogadishu Somalia
( Radiosahan@hotmail.com )