Posted on: Sunday 1 Aug 2010 Sahan Media
Waxaa Maanta Lagu Wadaa In Magaalada Sanca ee Dalka Yemen Uu Si Rasmi ah Uga Furmo Shirka Isbahaysiga Sanca oo ay Isugu Imaan Doonaan Dalal Dhowr ah isla Markaan alooga Hadli Doonaa Sidii Midowga Afrika Loogu Cadaadin Lahaa Fulinta Balan Qaadyadii ay U Sameysay Dowladda Soomaaliya
Shirkaani ayaa Waxa Isugu Imaan Doono Dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Sudan, Kenya, Ethiopia, Iyo dalka Yemen oo Dalkeeda uu Ka Dhacay Shirka
Sidoo Kale Shirakaan Waxaa Soomaaliya Ugu Qayb galaya Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibbada ee Xukuumada Sharma\'arke Yuusuf Xasan Yuusuf Dheeg
Shirkaan ayaa Waxa uu Qayb Ka Yahay Shirarka ay Beesha Caalamka Ku Doonayso In ay Wax Kaga Qabato Xaaladaha Dalka Soomaaliya
Sahan Media Network
Mogadishu Somalia
( Radiosahan@hotmail.com )