Siyaasadda SAHAN-Media
Hadafka Idaacadda SAHAN iyo cida aas-aastay:
Idaacadda SAHAN waa idaacad madaxbanaan oo cusub, xarunteeduna tahay magaalada Muqdisho
 Wareysiyada Cusub

WASIIRKA WARFAAFINTA ENG C/RAXMAAN YARISOW OO XALAY LA KULAMAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE LONDON


Posted on: Sunday 1 Aug 2010 Sahan Media

Wasiirka Wasaarada War Faafinta ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng Yarisow ayaa habeenkii Xalay Magaalada London ee Dalka Britain Kulan Xasaasi ah Kula Qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ku Sugan Magaalada London ee Dalka Britain

Eng Yarisow ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee London ugu War Bixiyey Xaalada Uu Maraya Dalka Soomaaliyeed Iyo Sida loogu Baahan Yahay In Jaaliyada Caalamka ay garab Qabtaan walaalahood Soomaaliyeed

Sidoo Kale Wasiirka ayaa waxa Madaxda Jaaliyada U Sheegay Waxyaabo aysan la socon oo ay U Baahnaayeen In Looga Sheekeeyo Maadaama aysan dalka Ku Suganayn

Madaxda Jaaliyada ayaa Iyaguna marka Hore Si Diiran U soo Dhaweeyey Booqashada wasiirka waxa ayna Kaga War Bixiyeen Sida ay Had Iyo Jeer Diyaar ugu Yihiin in ay Gacan Qabtaan Walaalahooda Soomaaliyeec

Kulanka wasiirka Iyo Jaaliyada ayaa Waxa uu Ku soo Dhamaaday Jawi Degan oo aad ay Ugu Riyaaqeen Dhamaan Cid Waliba oo Ka Soo Qayb Gashay Kulankaasi

 

Sahan Media Network

Mogadishu Somalia

( Radiosahan@hotmail.com )



FREE Domain
warka subaxii " /> warka subaxii " /> warka subaxii "/> warka subaxii "/>